Singular and plural nouns
Singular = kaliye, Singular waa eray u taagan hal shey sida :- boy —–> wiil, Eray “boy” waxa uu u taaganyahay hal wiil oo kaliye .
Plural = wadar ama wax badan ,Plural waa eray u taagan hal shey wax ka badan sida:- boys —–> wiilal eray “boys” waxa uu u taaganyahay hal wiil wax ka badan.
sida eray Singular(kali ah) loogu dhiga plural(wadar) waxaan isticmaali doonaa xeererka hoos ku xusan.
Rule one —> xeerka 3aad
magacyada intooda badan xarafka “S” ayaan gadaal loogu daraa si Jamac looga dhiga tusaale.
boy(wiil) —–> boys(wiilal)
girl(gabar) —–> girls(gabdha)
teacher(macallin) —–> teachers(macallimiin)
book(buug) —–> books(buugaag)
pen(qalin) —–> pens(qalimaan)
Rule two —> xeerka 2aad
Haddii magacyada ay ku dhamaadaan (sh, ch, X, s, z) waxaa gadaal loogu daraa “es” tusaale-:
dish(saxan) —-> dishes(saxaman)
watch(saacad) —-> watches(saacado)
box(sanduuq) —-> boxes(sanduuqyo)
bus(bas) —–> buses(basas)
blitz(weerer) —–> blitzes (weeraro)
Rule three —-> xeerka 3aad
haddii magaca uu ku dhamaado xarafka”O” shaqalna oow ka horeeya “s” ayaa gadaal loogu daraa sida:-
zoo(xero) —-> zoos(xerooyin)
radio(raadi) —> radios(raadiyo)
video(muuqaal) —–> videos(muuqaalo) .
erayada “zoo”, “video” iyo “radio” dhamaan waxay ku dhamaadaan xarafka “O” waxaana ka horeeya shaqal sida awgeed waxaan gadaal ugu darnay “s”
laakin haddii magacyada ku dhamaan xarafka “O” kana horeeya xaraf shibina ah waxaan gadaal ugu dari doonaa “es” sida:-
Mango(camba) —-> Mangoes(cambooyin)
hero(geesi) —-> heroes(geesiyaal) iyo wixi la mid ah.
Rule four —> xeerka 4aad
haddii magaca ku dhamaada xarafka “y” xaraf shibina ah ka horeeya “y” da waxaa lagu badalaa “ie” ka dib “s” ayaa lagu daraa tusaale:-
city(magaalo) —–> Cities(magaalooyin)
party(xaflad) —-> parties(xaflado) iyo waxii la mid ah.
Laakin haddii magaca ku dhamaada xarafka “y” kana horeeya shaqal “s” kaliye ayaa lagu daraa ayadoon “y” da la badaleyn tusaale:-
day(maalin) —-> days(maalmo)
boy(wiil) —–> boys(wiilal)
donkey(dameer) —-> donkeys(damero) iyo waxii la mid ah.
si aad u tijaabisa fahankaaga ka shaqeeya Tijaabada hoose