This and that
This —-> kan , That —–> kaas
casharkaan waxaan ugu hadli doonaa sida loo istimaala “this” iyo “that”.
“This” waxaa loo isticmaalaa in lagu tilmaama wax kuu dhaw.
“That” waxaa loo isticmaala in lagu tilmaama wax kaa fog ama kaa dheer .
“This” iyo “That” Labadaba waa waxaa loo isticmaalaa erayada kaliga ah (singular) ka eh
Haddaba waxaan rabna in aan barano erayadaan hoos ku qoran:-
Affirmative, negative, question and negative question.
Affirmative (waa jumlad iska caadi ah oo aan diidma aheen su’aalna aheen ).
Tusaale:- This is a aboy (kani waa wiil)
Negative (waa jumlad ku tusineysa diidma in wax la diidaayo).
Tusaale:- This is not a boy (kani wiil ma ahan).
Question (waa jumlad ku tusineysa suaal ).
Tusaale :- Is this a boy (kani wiil miyaa?).
Negative question (waa jumlad muujineysa suaal iyo diidma isla socda).
Tusaale:- Is not this a boy (kani wiil ma ahan miyaa?).
This —-> kan ama tan
This micnaheeda waa uu ku xeranyahay waxa ka dambeeya, haddi waxa ka dambeeya ay noqdaan lab “this” micnaheeda waxa uu noqonaa “kan” .
Laakin haddi waxa ka dambeeya ay noqdaan dhidig “this” micnaheeda waxa uu noqonaa “tan”.
Affirmative
This “kan ama tan” is “waa”
This is a boy (kani waa wiil).
This is a girl (Tani wa gabar).
Negative
marka aan rabna in labada jumla ee kor ku qoran I aan negative (diidma) ka dhigna waxaan “not” dhigi doonaa “is” ta gadaasheeda.
This is not a boy (kani ma ahan wiil).
This is not a girl (Tani ma ahan gabar).
Question
mark aan rabna in aan su’aal ka dhigna “is” ayaan kasoo hormarineynaa “this”.
Is this a boy? (kani wiil miyaa?)
Is this a girl? (Tani gabar miyaa?)
Negative question
Marka aan rabna in aan sameyna jumlad diidma su”aal leh “is not” ayaan kasoo hormarin doonaa “this” ta .
Is not this a boy? (Kani wiil ma ahan miyaa?)
Is not this a girl? (Tani gabar ma ahan miyaa?)
is not hab gaaban ayaa loo qoraa
Is not —-> isn’t
Isn’t this a boy?(kani wiil ma ahan miyaa?)
That —-> kaas ama taas
That micnaheeda waa uu ku xeranyahay waxa ka dambeeya, haddi waxa ka dambeeya ay noqdaan lab “That” micnaheeda waxa uu noqonaa “kaas”.
Laakin haddi waxa ka dambeeya ay noqdaan dhidig “that” micnaheeda waxa uu noqonaa “taas”.
Affirmative
That “kaas ama taas” is “waa”
That is a boy (kaasi waa wiil).
That is a girl (taasi wa gabar).
Negative
marka aan rabna in labada jumla ee kor ku qoran negative (diidma) ka dhigna waxaan “not” dhigi doonaa “is” ta gadaasheeda.
That is not a boy (kaasi ma ahan wiil).
That is not a girl (Taasi ma ahan gabar).
Question
mark aan rabna in aan su’aal ka dhigna “is” ayaan kasoo hormarineynaa “that”.
Is that a boy? (Kaasi wiil miyaa?)
Is that a girl? (Taasi gabar miyaa?)
Negative question
Marka aan rabna in aan sameyna jumlad diidma su”aal leh “is not” ayaan kasoo hormarin doonaa “that”.
Is not that a boy? (Kaasi wiil ma ahan miyaa?)
is not that a girl (taasi gabar ma ahan miyaa?)
is not hab gaaban ayaa loo qoraa
Is not —-> isn’t
Isn’t that a girl?(taasi gabar ma ahan miyaa?)
waan rajeynaa in aan si wacan u fahanay farqiga u dhaxeeya “this” iyo “that” si aad u tijaabisa fahankaaga ka shaqeeya tijaabada hoose.